Dad Reer Galbeed Dalxiisayaal ah oo Lagu Dilay Magaalada Mombaasa Ee Kenya.

Friday July 25, 2014 - 07:25:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Reer Galbeed Dalxiisayaal ah oo Lagu Dilay Magaalada Mombaasa Ee Kenya.

    Wararka ka imaanaya magaalada Mombaasa ee wadanka Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay bartamaha magaaladaasi ku dileen laba qof reer galbeed ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Mombaasa ee wadanka Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay bartamaha magaaladaasi ku dileen laba qof reer galbeed ah.

Xalay fiidkii ayaa haweenay dalxiisad ah oo udhalatay wadanka Jarmalka lagu toogtay Mombaasa sida uu xaqiijiyay taliyaha booliska gobollada xeebta Kenya dhaca.

Rag hubeysan ayaa laxaqiijiyay in ay haweenayda Jarmalka ah madaxa ka toogteen kadibna ay goobta isaga baxsadeen,sidoo kale haweenay udhalatay ruushka ayaa goorsii horreysay lagu dilay Mombaasa.


Sawirka Meydka haweenayda udhalatay Jarmalka ayaa lagu faafiyay warbaahinta Kenya,weerarkan ayaa qeyb ka ah dilal iyo qaraxyo joogta ka noqday magaalada Mombaasa isbuucii lasoo dhaafay ayay magaaladaasi ka dhaceen sedax weerar oo dhammaantood khasaara dhimasho iyo dhaawac ah sababay.

Related Items