Xasan Sheekh Maxamuud "Magaalada Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida Waa Dhul ay leedahay Dowladda Itoobiya" Dhageyso.

Wednesday August 17, 2016 - 10:42:33 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Maxamuud "Magaalada Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida Waa Dhul ay leedahay Dowladda Itoobiya" Dhageyso.

    Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Gurguurte ayaa sare uqaaday wada shaqeynta kala dhaxaysa dowladda Itoobiya ee ku aaddan sii haysashada dhulka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Gurguurte ayaa sare uqaaday wada shaqeynta kala dhaxaysa dowladda Itoobiya ee ku aaddan sii haysashada dhulka Soomaaliyeed.

Sida aan horay u baahisay shabakadda SomaliMeMo socdaalkii Xasan Sheekh ee magaalada Jigjiga ayaa ku salaysnaa heshiisyo dhul boob ah oo uu u saxiixayay Itoobiya.

Xasan Gurguurte ayaa markii ugo horraysay si aan leex-leexad laheyn u sheegay in dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato uu yahay dhul Itoobiyaan!.

Wareysi uu siiyay Telefeshinka Horn Cable ayuu ku sheegay in magaalada Jigjiga iyo dhulka Ogadenia loo yaqaan ay yihiin dhul Itoobiya leedahay isagoo socdaalkiisi Jigjiga ku sheegay martiqaad Itoobiya u fidisay.


"Dabcan dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa casuumaad iyo martiqaad noo fidisay, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa martiqaadkaas noo fidiyay, dowlad deegaankaas waa dowlad ka tirsan dalka Itoobiya”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhammaan dowladihii Soomaaliya soo maray lagasoo bilaabo maamulkii Siyaad Barre ayaan waligood ka tanaasulin qadiyadda dhulka Soomaaligalbeed oo xiligii gumeysiga ay Ingiriisku siiyeen Itoobiya.

Boqolaal kun soomaali ah ayaa naftooda u waayay sidii ay u xuroobi laheyd Somaligalbeed balse doqon sheegta in uu yahay madaxweyne Soomaaliyeed ayaa maanta lasoo taagan in Jigjiga,Godeey iyo Harar ay yihiin dhul Xabashida Itoobiya leedahay.

Xasan Sheekh ayaa xoogaga gobanimadoonka ah ee ka dagaallamaya dhulka Soomaaligalbeed ku tilmaamay kuwa carqaladaynaya nolosha dadka shacabka ah!.

Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee taariikhda Soomaaliya oo Itoobiya u sharciyeeya haysashada dhulka Soomaaligalbeed isagoona si qarsoodi ah deegaanno dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ugu saxiixay Itoobiya.

Halkan ka dhageyso Xasan Sheekh oo sheegaya in Jigjiga tahay magaala Itoobiya MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items