Maleeshiyaad Daacad u Ah Cabdi Jiinoow Calasoow oo Lawareegay Idaacad Kutaal Magaalada Jowhar.

Friday July 25, 2014 - 15:25:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Daacad u Ah Cabdi Jiinoow Calasoow oo Lawareegay Idaacad Kutaal Magaalada Jowhar.

    Maamulka Dowladda Federaalka ugu magacaaban gobolka shabeelaha dhexe ayaa xoog kula wareegay warbaahinta kaliya ee ka jirtay Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Dowladda Federaalka ugu magacaaban gobolka shabeelaha dhexe ayaa xoog kula wareegay warbaahinta kaliya ee ka jirtay Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah ay xoog ku galeen dhismaha Idaacadda Jowhar oo aheyd idaacad madax banaan.

Max’med Abuukar Caseyr oo ah Agaasimaha Radio Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay xoog ku damiyeen idaacadda kadibna ay lawareegeen dhismaha iyo furayaasha guriga idaacadda.


"Ciidamo hubeysan ayaa xoog kusoo galay idaacadda oo xilligaasi barnaamijyo baahinaysay idaacadda way dambiyeen kadibna furaha dhismaha ayay nagala wareegeen”ayuu yiri Max’med Abuukar Caseyr.



Cabdi Jiinoow oo ku magacaaban guddoomiyaha shabeelaha dhexe ayaa la sheegay in uu bixiyay amarka lagu xiray Radio Jowhar isagoo ku andacoonaya in xarunta idaacaddu degantahay ay tahay dhul dowladeed.


"Wareegtada kasoo baxday Cabdi Jiinoow waxaa ku xusneyd in dhulka idaacaddu degantahay uu yahay dhul dowladeed oo wasaaradda xanaanaha xoolaha ay soo codsatay balse markii aan laxariirnay mas’uuliyiinta wasaaradda waxay noo sheegeen in uusan jirin wax xafiis ah oo ay Jowhar ku leedahay islamarkaana aysan wax codsi ah udirin maamulka Jowhar”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Max’med Abuukar.


Dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeysa iyo soo duulayaasha Afrikaanta ayaa caan ku ah caburinta saxaafadda iyagoona ladagaalamaya cid walba oo shacabka soomaaliyeed wax utaraysa.

Related Items