Sawirro+Maqal:Xarakada Al Shabaab oo Muslimiinta Caalamka Ugu Baaqday in ay Beegsadaan Danaha Yahuud si looga Aarguto Xasuuqa Gaza.

Friday July 25, 2014 - 20:52:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Sawirro+Maqal:Xarakada Al Shabaab oo Muslimiinta Caalamka Ugu Baaqday in ay Beegsadaan Danaha Yahuud si looga Aarguto Xasuuqa Gaza.

    Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo maanta salaadii Jimcaha kadib boqolaal dad weyne ah kula hadlay masjid ku yaala degmada Baraawe ayaa si dareen iyo qiiro muslim-nimo leh uga hadlay xasuuqa joogtada ah ee ay h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Al Shabaab
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo maanta salaadii Jimcaha kadib boqolaal dad weyne ah kula hadlay masjid ku yaala degmada Baraawe ayaa si dareen iyo qiiro muslim-nimo leh uga hadlay xasuuqa joogtada ah ee ay har iyo habeen Yahuudu ku hayso shacabka muslimka ah ee reer Falastiin.

Sheekhu wuxuu is-dul taagay gumaadka mudada sadaxda Usbuuc ka socda Gaza kaasoo ay Yahuudu ku dishay in ka badan 700 (todobo boqol oo qof) oo u badan caruur iyo haween.

Wuxuu tilmaamay in xasuuqa lagu hayo muslimiinta reer Falastiin ay ka wada qeyb qaadanayaan gaalada oo dhan isagoo tusaale usoo qaatay askarta Mareykanka ah ee ka garab dagaalameysa Yahuuda iyo mowqifka mideysan ee ay dhammaan gaaladu ka wada taagan yihiin qadiyada Falastiin.



Isagoo la ilmeynaya waxa ku dhacaya dadkaas muslimiinta ah ayuu shaaca ka qaaday sida dalalka carabta ee dariska la ah Falastiin u daawanayaan xuduudahana uga xirteen kadib markii ay Mareykanka kala kulmeen cadaadis ah inaaney garab istaagi karin walaalahood, halka askarta Mareykanka ay dhinac taagan yihiin walaalahood Yahuuda.

Sidoo kale waxa uu dadka muslimiinta ah dareensiiyay inaaney Qaramada midoobay ku sifeysneyn magaca ay wadato, balse ay difaacdo gaalada caalamka, wuxuuna tusaale usoo qaatay sida ay ugu guntato marka ay dhibaato ku dhacdo dalalka gaalada iyo sida ay u daawaneyso xasuuqa iyo dulmiga lagu hayo muslimiinta.

Intaa kadib afhayeenku wuxuu ka dhawaajiyay in dadka muslimiinta ah u qumaan sidii loogu aar gudi lahaa shacabka la ibaadeeyay ee reer Falastiin isagoo soo jeediyay talooyin arintaasi sahlaya.

"Yahuudu waxay isku baahisay caalamka, meel walba ayuu yaallaa dhaqaalaheeda, sidaa darteed waa in muslimiintu goob walba ku beegsadaan dhaqaalaheeda iyo muwaadiniinteeda” ayuu yiri’ Sh/Cali Dheere oo intaasi ku daray in guud ahaanba dadka muslimiinta ah looga baahan yahay iney u duceeyaan walaalahood.

Afhayeenka ayaa sheegay in ummada Soomaaliyeed ay cibro ugu sugan tahay xasuuq wadareedka Yahuudu ku hayso walaalaheena Falastiin, maadaama Soomaaliya ay duullaan ku joogaan ciidamo shisheeye ah oo ay Yahuudu dhabarka ka taagan tahay.

Wuxuu ummada Soomaaliyeed dareen siiyay haddii aysan maanta kicin oo aysan iska dul qaadin gaalada kusoo duushay in barito ay dhaxal u yeelan doonto waxa ku dhacaya shacabka Falastiin. Ugu dambeyntii Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/ Cali Dheere ayaa khudbadiisa kusoo gabagabeeyay duco isagoo Allaah ka baryay in uu muslimiinta Cizeeyo gaaladana jabiyo.

Halkan Ka Degso Kalimadda Sh.Cali Dheere

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

12 345 6

 

 

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan


Related Items