Dilal qorshaysan iyo Qaraxyo Saacadihii Lasoo Dhaafay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Saturday July 26, 2014 - 07:53:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal qorshaysan iyo Qaraxyo Saacadihii Lasoo Dhaafay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada ay ka dhacayaan dilal iyo qaraxyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada ay ka dhacayaan dilal iyo qaraxyo.

Xoogag hubeysan ayaa degmada Boondheere ku dilay sarkaal katirsanaa maamulka gobolka Banaadir ee uu madaxda u yahay Xasan Muungaab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado wata ay dilka geysteen kadibna ay goobta isaga baxsadeen,degmada Boondheere ee uu dilku ka dhacay ayaa kaabiga ku heysa madaxtooyada looga arrimiyo dowladda Federaalka.

Dhinaca kale qarax aan khasaara geysan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada Maka Al-mukarama,qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay walxaha qarxa oo lagusoo xiray gaari nuuca raaxada ah lama oga cidda qaraxa lala beegsaday balse goobta uu ka dhacay ayaa ah halbowlaha wadada makka almukarama oo ay isticmaalaan madaxda DF-ka.

Related Items