Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo ogolaaday in Ciidamo Dheeri ah Lageeyo Magaalada Jubba.

Monday September 05, 2016 - 18:54:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo ogolaaday in Ciidamo Dheeri ah Lageeyo Magaalada Jubba.

    War rasmi ah oo kasoo baxay madaxweynaha Koonfurta Suudaan ayaa lagu sheegay in xukuumadda Jubba ay ogolaatay in ciidamo dheeri ah oo ka socda Q.Midoobe lageeyo wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay madaxweynaha Koonfurta Suudaan ayaa lagu sheegay in xukuumadda Jubba ay ogolaatay in ciidamo dheeri ah oo ka socda Q.Midoobe lageeyo wadankaasi.

Selfa Kiir Madaxweynaha K/Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in dowladdiisu ay ogoshahay in ciidan gaaraya 4000 oo askari lagu kordhiyo 13,000 askari oo horay ugu sugnaa Koonfurta Suudaan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay kala dhax geli doonaan dhinacyada dagaalka sokeeya u dhaxeeyo islamarkaana ay ilaalin doonaan dadka rayidka ah.

Afhayeen u hadlay Q.Midoobe ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ogolaashiyaha xukuumadda Jubba ee Ciidamo nabad ilaalineed, dagaal bishii July 2016 ka dhacay Koonfurta Suudaan waxaa lagu dilay ugu yaraan 300 shacab iyo melleteri ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items