Paulo Pinheiro "Mucaaradka Suuriya Waxay Kusii Qulqulayaan dhanka Dowladda Islaamiga ah".

Saturday July 26, 2014 - 22:09:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paulo Pinheiro "Mucaaradka Suuriya Waxay Kusii Qulqulayaan dhanka Dowladda Islaamiga ah".

    Waxa loogu yeero Q.Midoobe aya walaac ballaran ka muujinaysa awodda dowlada Islaamiga ah ee maamusha dhul ballaaran oo katirsan Ciraaq iyo Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobe aya walaac ballaran ka muujinaysa awodda dowlada Islaamiga ah ee maamusha dhul ballaaran oo katirsan Ciraaq iyo Suuriya.

War rasmi ah oo kasoo baxay guddiga dabagalka dambiyada Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in dowladda Islaamiga ah dagaallada ay kula jirto nidaamyada Suuriya iyo Ciraaq ay u adeegsatay awood xad dhaaf ah sida iyadoo madaxyada ka gurtay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka.

Paulo Pinheiro oo ah madaxa guddiga dabagalka Q.Midoobe ayaa magaalada New York ka sheegay in awoodda dowladda Islaamiga ay soo jiidatay kumanaan dhalinyaro muslimiin ah oo Ciraaq iyo Suuriya ku dhaqan.


"Dowladda Islaamiga ah aad bay usii kobceysaa dagaalyahanno kasoo goosanaya kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa si waalli ah ugu biiraya dowladda sababtoo ah waxay leedahay kaabayaal dhaqaale iyo warbaahin heer sare ah”ayuu yiri Paulo Pinheiro.

Inkastoo Q.Midoobe iyo dowladaha waaweyn ee reer galbeedka ay liiska madoow ku dareen dowladda islaamiga ah hadane taasi waba uma dhimin oo waa sii fidaysaa sida ay ku andacoonayaan reer galbeedka.

Lawareegistii xoogaga IS ee bishii June ay lawareegeen magaalooyinka Muusil iyo Tikriit ayaa adduunka ka fajacis bishan July waxay lawareegeen gobollada Raqqa iyo Deyruzuur.

Related Items