Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Muqdisho.

Sunday July 27, 2014 - 06:12:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Muqdisho.

    Xoogag loo malaynayo in ay taabacsanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay fiidkii weeraro culus ku qaaday saldhigyo ciidamada shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag loo malaynayo in ay taabacsanyihiin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay fiidkii weeraro culus ku qaaday saldhigyo ciidamada shisheeye ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dagaallo culus oo muddo saacada ah socday ayaa xalay ka qarxay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid,Huriwaa iyo Dayniile.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay weerareen warshadda baastada oo ay deganyihiin ciidamada AMISOM.

Sidoo kale madaafiicda garbaha laga gemo ayaa lagu garaacay dhismaha warshaddii Barafuunka isgoyska SOS halkaasi oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad taabacsan Dowladda Federaalka.


Dhinaca kale weerar muddo ku dhaw hal saac socday ayaa ka dhacay xaafadda Gubtay degmada Dayniile dagaaladii xalay Muqdisho ka dhacay ayaa larumeysanyahay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items