Mareykanka oo Xiray Safaaraddiisa Liibiya Kadib Hanjabaad Uga timid Xoogag Islaami Ah.

Sunday July 27, 2014 - 06:49:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Xiray Safaaraddiisa Liibiya Kadib Hanjabaad Uga timid Xoogag Islaami Ah.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dublumaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda muhiimka ah ay kala baxday wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dublumaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda muhiimka ah ay kala baxday wadanka Liibiya.

Wararka ka imaanaya Liibiya ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay magaalooyinka Banqaazi iyo Daraabulis ka daad gureysay dhammaan shaqaalaheeda.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka  ayaa lagu sheegay in albaabada laysugu dhuftay safaaradda USA ee Daraabulis iyo qunsuliyaddii Banqaazi.

Mareykanka ayaa xiridda safaaradihiisa Liibiya u sababeeyay ammaanka wadankaasi oo faraha kasii baxay iyo sii xoogeysashada xoogaga mujaahidiinta Ansaaru Shareecah.


Haweenay u hadashay aqalka cad ayaa warbaahinta u sheegtay in dagaallada Liibiya ka socda ay halis gelin karaan nolosha saraakiisha Mareykanka.

Jamaacada Ansaaru Shareecah ayaa dhawaan ku hanjabtay in ay beegsan doonto dhammaan danaha reer galbeedka ee gudaha wadankaasi Liibiya kadib markii kumaandooska mareykanka ay gudaha Liibiya ka qafaasheen Hoggaamiye Axmed Abuu Qataala.

Related Items