Warbixin:Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Waa Itoobiyaan Soomaaliyana Gumeysi Ayay Kujirtaa.

Sunday July 27, 2014 - 15:01:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Warbixin:Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Waa Itoobiyaan Soomaaliyana Gumeysi Ayay Kujirtaa.

    Maamulka Xasan Sheekh ee dalka Soomaaliya kusoo hoggaamiyah shisheeyaha dhulka boobka ah ayaa bilaabay in xilal sarsare uu u dhiibo saraakiil Itoobiyaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Xasan Sheekh ee dalka Soomaaliya kusoo hoggaamiyah shisheeyaha dhulka boobka ah ayaa bilaabay in xilal sarsare uu u dhiibo saraakiil Itoobiyaan ah.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa loo magacaabay Axmed Cali Daahir oo muddo sanada ah ka shaqeynayay maamulka Itoobiya ee dhulka Soomaaligalbeed.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha cusub ee uu leeyahay aqoon iyo xirfad balse aqoonta uu Gurguurte sheegay ayaa in Axmed Cali Daahir uu ku xeel dheeryahay tacdiibinta muslimiinta iyo la shaqeynta Xabashida Itoobiya.


Taariikhda Xeerilaaliyaha cusub ee Itoobiyaanka ayaa ah mid madoow wuxuuna heystaa baasaboor Itoobiyaan ah iyo darajoojin dhanka shaqada ah oo xukuumadda Addis Ababa.


Taariikh nololeedka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka:

 Axmed Cali Daahir wuxuu ku dhashay degmada Doloow, sannadkii 1965-kii

Wuxuu dugsiga sare ka baxay 15-kii May 1983-kii

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacaddii Ummadda Somaaliyeed intii u dhexeysay 1984-kii illaa 1988-kii. Isagoo cilmi-kororsi dheeraad ah sameeyay.

1989-kii illaa 1990-kii wuxuu ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

2003-2005 wuxuu noqday guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Seattle ee dalka Mareykanka.

2006-2008 wuxuu noqday madaxa ururka Soomaalida gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

2008-2011 wuxuu noqday madaxa hay’adda Xarunta Islaamiga ah ee Al-Raxma ee gobolka Phoenix ee dalka Mareykanka.

2011-kii wuxuu ahaa madaxa sharciga iyo xallinta ee guddiga Imaamyada Soomaaliyeed ee dalka.

Tallaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda dabadhilifka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa banaanka soo dhigaya in soomaaliya ay ku jirto gumeysi dhab ah,kumanaan katirsan ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa xoog ku jooga magaalooyin katirsan dalka soomaaliya iyadoona xukuumadda Xasan Sheekh ay sheegtay in ay raalli ka tahay.



Related Items