Daawo Sawirro:Ciidamada AMISOM oo Lawareegay Hubkii Cismaan Caato "Cakaaro" .

Sunday July 27, 2014 - 17:30:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro:Ciidamada AMISOM oo Lawareegay Hubkii Cismaan Caato "Cakaaro" .

    Boqolaal katirsan ciidamada Afrikaanta soo duulayaasha AMISOM iyo maleeshiyaad taabacsan Dowladda Federaalka ayaa maanta xoog ku galay mid kamida xarumihii Cismaan Caato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal katirsan ciidamada Afrikaanta soo duulayaasha AMISOM iyo maleeshiyaad taabacsan Dowladda Federaalka ayaa maanta xoog ku galay mid kamida xarumihii Cismaan Caato.

Howlgalka oo ahaa mid lagusoo aruurinayay hubkii iyo gaadiidkii dagaal ee uu lahaa Xildhibaan Cismaan Caato oo sanaddii lasoo dhaafay dhintay ayaa saameyn ku yeeshay dadka deggan xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodon.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay xoog ku galeen Garaashkii caanka ahaa ee dadka qaar u yaqaanaan "geerashka Cakaaro” oo kuyaal isgoyska Banaadir waxaana halkaasi lagasoo helay hub duugoobay iyo qaar kamid ah gaadiidkii uu adeegsan jiray Cismaan Caato xilligii uu dagaal oogaha ahaa.


Taliska ciidanka AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in hubka ay soo qabteen uu ahaa hub "Al Shabaab”!!,afhayeen u hadlay dowladda Xasan Sheekh ayaa isna sheegay in ay fashiliyeen qorshe xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay hub ugu qarsanaysay magaalada Muqdisho!!.

Tani waa fadeexad kale oo ay ku dhaqaaqeen xulufada ku fashilmay amniga Muqdisho waxaana muuqata in ay adeegsanayaan dhammaan asaaliibta dacaayad faafinta si ay isaga dhaqaan cambaarta ka raacday howlgallada ay Al Shabaab Muqdisho ka waddo.

Hubka lagasoo qaaday Garaashka Cusmaan Caato badankiis waa hub duugoobay oo kasoo haray dagaalkii Ahliga ahaa ee Muqdisho ku dhaxmari jiray dagaal oogayaashii hore waxaana hubkaasi ka mid ah rasaas duugowday iyo qoryo xilligan casriga ah aan Soomaaliya looga dagaalamin.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dagaal Ooge Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka carooday tallaabadan hubka lagusoo faagay waxaana socda dadaallo ay jufada reer Howle oo katirsan beesha Sacad ay ugu jiraan sidii hubkooda ay ugasoo ceshan lahaayeen AMISOM iyo DF-ka.

Intabadan hubkii qabaa’iillada Muqdisho isku dili jireen ayaa wali ku xaraysan guryo iyo geerashyo si gaar ah loo leeyahay oo kuyaal magaalada Muqdisho.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah inmise jeer oo kale ayay AMISOM iyo Dabadhilifyadeeda hubka qabaa’iilada inta soo qabtaan saxaafadda usoo bandhigi doonaan iyagoo ka dhigaya hub shabaabul Mujaahidiin lagasoo qabtay?.







Related Items