Dalka Soomaaliya Ma Gumeysi Ayuu Kujiraa Mise Waa Dal Xur ah Dhageyso Wareysiyo Xiisa Badan.

Sunday September 25, 2016 - 06:16:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dalka Soomaaliya Ma Gumeysi Ayuu Kujiraa Mise Waa Dal Xur ah Dhageyso Wareysiyo Xiisa Badan.

    Kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha Itoobiya iyo Kuwa Kenya ayaa xoog ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa sii dheer ciidamo kale oo kumanaan ah kuwaasi oo ka socda wadamada Burundi,Uganda iyo Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calanka dhaxda ku leh xidigta wuxuu tilmaamayaan shanta soomaaliyeed balse hadda wax sidaas uweyn laga mahayo
Kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha Itoobiya iyo Kuwa Kenya ayaa xoog ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa sii dheer ciidamo kale oo kumanaan ah kuwaasi oo ka socda wadamada Burundi,Uganda iyo Jabuuti.



Dowladaha shisheeyaha Afrikaanta waxay magaalooyinka ay qabsadeen ka dhiseen maamul magac uyeel ah oo iyaga taabacsan kuwaasi oo shacabka soomaaliyeed gumeysanaya.

Itoobiya iyo xulufadeeda ayaa dalka ka hirgeliyay maamul goboleedyo laga maamulo Addis Ababa iyo Kenya.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa marka ay warbaahinta ka hadlayaan ku hadaaqa in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan waxayna xukunkooda Villa Somalia ka jira ugu yeeraan "maamul qaranā€¯.



Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay wareysatay idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal gumeysi kujira iyagoona shacabka soomaalida kula taliyay in ay dagaallamaan oo ay iska dul qaadaan gumeystaha.

Halkan ka dhageyso Wareysiyada MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items