Obama "Yaan la dooran Trump wuxuu Khatar ku yahay Mareykanka iyo Caalamka".

Thursday November 03, 2016 - 10:58:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama "Yaan la dooran Trump wuxuu Khatar ku yahay Mareykanka iyo Caalamka".

    Hoggaamiyaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee dalka Mareykanka ayaa shacabka wadankaasi uga digay in ay madaxweyne u doortaan musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha waqtigiisu sii dhammaanayo ee dalka Mareykanka ayaa shacabka wadankaasi uga digay in ay madaxweyne u doortaan musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Khudbad uu Brack Obama ka jeediyay gobolka Florida ayuu dadka mareykanka ugu baaqay in madaxweynaha soo socda ay u doortaan Hillary Clinton oo ah musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Dimuquraadiga.

Obama oo hadlayay ayaa yiri "Donald Trupm wuxuu khatar ku yahay Mareykanka iyo caalamka ma ahan Nin lagu aamini karo mas’uuliyadda taliyaha ciidanka xoogga ee Mareykanka”.

Madaxweynaha sii dhacaya ee Mareykanka ayaa si toos ah u bilaabay in uu u ol oleeyo Hillary wuxuuna weerar dhanka afka ah ku qaaday xisbiga Jamhuuriga.


Ra’yi Aruurin ay sameysay warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in xilka madaxtinimada USA ay ku guuleysan karto haweenayda Clinton oo 45% dadka Mareykanka ay taageersanyihiin halka Trump uu heysto taageera dhan 39%.

Loolanka doorashada dalka Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya wax ka yar 5 maalmood ayaa ka dhiman waqtiga doorashooyinka iyadoona ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa haddii ay hoggaanka u qabtaan wadanka waxay ballan qaadeen in ay Mareykanka ay ka eryi doonaan malaayiin qof muslimiin ah iyo dadka Tahriibayaasha ee ka yimaad wadanka Meksiko.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items