Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Istish-haadi ah oo ka dhacay isgoyska Sayidka.

Saturday November 05, 2016 - 19:10:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Istish-haadi ah oo ka dhacay isgoyska Sayidka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo caawa lagu qaaday isku imaatin ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo caawa lagu qaaday isku imaatin ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Askari katirsan Guutada istish-haadiyiinta uu beegsaday gaadiid kolonya ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan sirdoonka dowladda Federaalka.

Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa baahisay in weerarka oo ka dhacay isgoyska Sayid uu ahaa mid naf-hurnimo "Mujaahid kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa camaliyad istish-haadi ah ku galay goob ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan maleeshiyada Ashahaadda ladirirka ee isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho, khasaara xooggan ayaana cadawga gaaray" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in camaliyaddu ay beegsatay ciidamo boqol askari ku dhow oo ahaa kuwii loo diyaarinayay sugidda amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha doorashooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 7 gaari oo ay wateen ciidamada PS-ta dowladda Federaalka lagu burburiyay qaraxii caawa ka dhacay isgoyska Sayidka iyadoona uu isisoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarka.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items