Waa Sidee Xaaladda magaalada Muusil 20 Maalmood kadib duullaankii lagu qaaday?. (Video)

Thursday November 10, 2016 - 11:00:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaaladda magaalada Muusil 20 Maalmood kadib duullaankii lagu qaaday?. (Video)

    Baraha Internetka waxaa lagu baahiyay Video Muuqaal ah oo muujinaya nolasha ka jirta magaalada Muusil, kadib markii 24 maalmood ay kasoo wareegtay duullaankii cuslaa ee magaaladaasi ay ku qaadeen Ciidamada Shiicada iyo xulafadooda Kurdiyiinta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraha Internetka waxaa lagu baahiyay Video Muuqaal ah oo muujinaya nolasha ka jirta magaalada Muusil, kadib markii 24 maalmood ay kasoo wareegtay duullaankii cuslaa ee magaaladaasi ay ku qaadeen Ciidamada Shiicada iyo xulafadooda Kurdiyiinta ah.

Muuqaalkan waxa uu soo bandhigayaa qeyb ka mid ah dhaq dhaqaaqyada ganacsiga ee ka jira Suuqyada magaalada Muusi ee Gobolka Neynawaa ee Waqooyiga dalka Ciraaq.

Mid ka mid ah dadka la wareystay ayaa yiri : "dadka magaalada ka barakacay ee dhanka cadowga u cararay waxay moodeen in Xashdu Shacbiga (Maleeshiyaadka Shiicada) inay kusoo dhawenayaan ubaxyo qoyan”.

Ninkani isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in Maleeshiyaadka Shiicada ah ay dileen 30 nin oo ka mid ah dadkii ka cararay magaalada Muusil, islamarkaana ay kaxeysteen tobonaan dumar ah oo raggaasi la socday.


"Soddonka nin ee la dilay waxay kasoo jeedeen qabiilka Al-Macaamira, kuwaasi (Shiicada) waxay dhiiggeena, Cirdigeenna iyo Maalkeenna u arkaan inuu xalaal u yahay”. ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sida Muuqaalka laga dhex arkayo, Xaaladda Muusil ayaa u muuqata mid aad u dagan oo aysan wax saameyn ah ku yeelan dagaallada culus ee duleedyadeeda ka dhacaya, iyadoo Ciidamada Shiicada iyo Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ah oo dhinaca cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay weli awoodi la’yihiin inay gudaha u galaan magaalada.


Xigaho: Amiirnuur.com

Related Items