14 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Ka Qarxay Galbeedka Wadanka Uganda.

Sunday November 27, 2016 - 11:38:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Ka Qarxay Galbeedka Wadanka Uganda.

    Ugu yaraan 14 qof oo isugu jira ciidamo boolis ah iyo maleeshiya beeleed ayaa ku dhintay dagaallo culus oo dib uga qarxay galbeedka wadanka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 14 qof oo isugu jira ciidamo boolis ah iyo maleeshiya beeleed ayaa ku dhintay dagaallo culus oo dib uga qarxay galbeedka wadanka Uganda.

Wararka ka imaanaya Uganda ayaa sheegaya in ciidamo katirsan booliska xukuumadda iyo maleeshiyaad gooni ugoosad ah oo daacad u ah hoggaamiye beeleed ay ku dagaalameen magaalo kaabiga ku haysa xadka ay wadaagaan Uganda iyo Rwanda.

Warbaahinta maxalliga Uganda ayaa sheegtay in dagaallada oo saacado badan qaatay xoogoodu ay ka dhaceen degmada Kasese ee galbeedka wadankaasi dhacda.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan xoogag beeleed katirsan qowmiyadda Rwenzururu oo lagu eedeeyay in ay u dagaallamayso sidii ay uga go’i laheyd Uganda inteeda kale.


Dadka dhintay Afar kamid ah waa ciidamo katirsan booliska Uganda oo ka qeyb qaadanayay howlgalka hubka looga dhigayay maleeshiyaadka gooni ugoosadka ah.

Charles Wesles oo ah boqor beeleed ayaa beeniyay eedaymaha uga yimid dowladda Uganda ee ah in uu abuurayo kacdoon gooni ugoosad ah.

Boqolaal qoys ayaa guryahooda isaga barakacay deegaannada ay dagaalladu ka socdaan, Uganda sanad walba boqolaal qof ayaa ugu dhinta dagaal beeleedyo iyo dagaallo kale oo dhanka siyaasadda ku salaysan.

Madaxweynaha xukuumadda Kampala Museveni ayay kooxaha mucaaradka ku eedaynayaan in uu adeegsanayo siyaasadda caburinta isagoo diiday dhammaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee maamulkiisa ka dhanka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items