Obama " Argagaxisada iyo Shucuubta Muslimiinta Waa Kala Geynay Balse Hadda Ayay is raadsanayaan" Warbixin.

Wednesday December 07, 2016 - 12:29:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama " Argagaxisada iyo Shucuubta Muslimiinta Waa Kala Geynay Balse Hadda Ayay is raadsanayaan" Warbixin.

    Hoggaamiyaha Mareykanka ee waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa jeediyay khudbaddiisi ugu dambaysay oo uu uga hadlayay arrimaha ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Mareykanka ee waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa jeediyay khudbaddiisi ugu dambaysay oo uu uga hadlayay arrimaha ammaanka.

Brack Obama ayaa ku dheeraaday ka hadalka xamlada islaam ladirirka ah ee Mareykanku hoggaaminayo balse loo yaqaan la dagaalanka Argagaxisada.

Wuxuu ku dheeraaday in maamulkiisu uu guulo waaweyn ka sheegto dagaalka ka dhanka ah Jamaacaadka Jihaadiga ah gaar ahaan Urur weynaha Al Qaacidda.

Obama ayaa sheegay in 8-dii sanadood ee uu xilka hayay uu beegsaday hoggaamiyaal sarsare oo katirsan Jamaacaadka Jihaadiga ah wuxuuna si gaar ah u sheegay in dadka Mareykanka uu ka hor leexiyay Sheekh Osama Bin Laden Amiirkii Mujaahidiinta Al Qaacidda oo shahiiday sanaddii 2011.


Wuxuu sheegay in maamulkiisu uu adeegsaday siyaasad deggan oo dhanka la dagaalanka ‘Argagaxisada ah’ islamarkaana ay kala fogeeyeen wax uu ugu yeeray islaamka Cagjirka ah iyo midka dhax dhaxaadka ah.

"waan ku guuleysanay in Argagaxisada iyo Islaamka aan kala fogeyno balse hadda ayay is raadsanayaan haddii aan siyaasad wanaagsan loo helin” ayuu yiri Obama.

Marka uu leeyahay Argagaxisada iyo islaamka ayaan kala fogeynay ayuu ula jeedaa islaamiyiinta jihaadiga ah iyo shucuubta muslimiinta ayaan madaxa isku gelinay.

Waana Falsafad dhagar miiran ah Obama oo aan Muslim aheyn ayaa iska dhigaya Nin aqoon u leh diinta islaamka isaga oo Mujaahidiinta ku sifaynaya kuwa aan islaam aheyn!, halka dadka caamada Muslimiinta ah uu wanaag u muujinayo.

Brack Obama mar uu soo hadal qaaday qaabka loola dagaalami karo jamaacaadka Jihaadiga ah wuxuu xayaysiiyay hanaanka dimuquraadiga ee jiljileeca umuujinaya dhalinyarada muslimiinta ah ee diidaya in sharciga islaamka laysku maamulo wuxuuna ka digay in siyaasad cunsuri ah lagula tacaamulo dowladaha caalamka islaamka kajira.

Mar uu hadlayay ayuu yiri "Mashruuca la dagaallanka Argagaxisada uma baahna ballanqaadyo been ah ee wuxuu u baahanyahay isbahaysiyo dhab ah”, Mareykanka ayaa muujiyay in kaligiis uusan la dagaalami karin Muslimiinta balse uu u baahanyahay isbahaysiyo uu la sameysto dowladaha dawaaqiidda carabta ee xoogga ku heysta shucuubta muslimka ah.

Obama ayaa khudbadda uu jeediyay si dadban ugu duray Donald Trum madaxweynaha cusub ee Mareykanka wuxuu sheegay in siyaasadda qallafsan ay sii kicin karto dhalinyarada Muslimiinta.

"Argagaxisada iyo dadka Muslimiinta ah waan kala reebnay balse nasiib darro hadda ayay israadsanayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Obama.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa saadaalinaya in Trump uu qaadi doono dhabihii G.W.Bush ee duullaanada tooska ah ku qaadaysay wadamada islaamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items