Al Shabaab: Ugu Yaraan 30 Askari Ayaan Ku Dilnay Weerar Istish-haadi Ah Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Dekadda Muqdisho.

Sunday December 11, 2016 - 13:13:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab: Ugu Yaraan 30 Askari Ayaan Ku Dilnay Weerar Istish-haadi Ah Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Dekadda Muqdisho.

    Wararka ka imaanaya degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig Boolis oo kuyaal agagaarka Dekadda caalamiga Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay degmada Hodon
Wararka ka imaanaya degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in weerar xooggan lagu qaaday saldhig Boolis oo kuyaal agagaarka Dekadda caalamiga Muqdisho.

Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagusoo waramayaa in lala eegtay saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Booliska DF-ka oo kuyaal kasoo hor jeedka dekadda Muqdisho, goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta qarax xooggan kadibna waxaa xigay rasaas lays dhaafsanayay.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas'uuliyadda Weerarka, sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in 30 askari ay ku dileen qarax ka dhacay degmada Xamar jajab.


"Geesi ka mid ah guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waabarigii hore ee saaka camaliyad Istish-haadi ah ku weeraray xero ciidan oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, Iyadoona camaliyadaas ay geysatay khasaare aad u xoogan" ayaa lagu yiri war lagu baahiyay Page-ka idaacadda Andalus ee internet-ka.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in xerada weerarka lagu qaaday lagu uruurinayay ciidamo katirsan booliska dowladda Federaalka ee qaabilsan sugidda ammaanka goobaha doorashooyinka,  "Xeradan oo ku taalla agagaarka Dakada magaalada Muqdisho ayaa ah meel waayadii dambe lagu uruurinayey maleeshiyaad loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka magaalada inta lagu gudajiro waxa loogu yeero doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan magaalada" ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada SHM.

Sidoo kale Al Shabaab waxay xaqiijisay in khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ee ciidanka dowladda Federaalka kasoo gaaray weerarka uu ka badanyahay 30 Askari islamarkaana weerarku uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

"Ugu yaraan 30 Askari oo katirsan murtadiinta ayaa ku dhimatay camaliyadda ka dhacay agagaarka dekadda Muqdisho" sidaasi waxaa yiri sarkaal  katirsan xarakada Al Shabaab".

Shalay ayay aheyd markii weerar midkaan lamid ah lagu qaaday saldhig ay ciidamada Alpha Group ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho waxaana weerarkaasi lagu dilay 9 askari halka tira kalane lagu dhaawacay.

Weeraradan ayaa meesha ka saaraya balanqaadyo horay uga yimid madaxda dowladda Federaalka oo ku aadanaa in ay sugayaan ammaanka magaalada caasimadda ah inta lagu guda jiro doorashooyinka, kumanaan katirsan ciidamada AMISOM oo ku sugan Muqdisho iyo gobollada ku dhow ayaan ku guulaysan ilaalinta xarumaha dowladda Federaalka iyo saldhigyada ciidanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items