Kenya iyo Ethiopia oo ka walaacsan hadal ka soo Yeeray Trump.

Monday January 23, 2017 - 19:35:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya iyo Ethiopia oo ka walaacsan hadal ka soo Yeeray Trump.

    Dawladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa walwal weyn kala soo gudboonaaday hadal dhawaan ka soo baxay Trump-aha dalka Mareykanka kaas oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo taageerada uu Mareykanku ku bixiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha Yahuudda iyo Uhuru Kenyatta
Dawladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa walwal weyn kala soo gudboonaaday hadal dhawaan ka soo baxay Trump-aha dalka Mareykanka kaas oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo taageerada uu Mareykanku ku bixiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo daabacday The  East African ayaa lagu sheegay in dawladaha loo yaqaano Safka hore gaar ahaan Kenya iyo Ethiopia ee ku lugta leh dagaalka Soomaaliya in ay halis uga muuqato dib u eegista lagu sameynayo taageerada Mareykanka.

Trump-aha loo doortay maamulka Mareykanka oo ay muuqaneyso in uu lugta ku dhufanayo dhammaan go’aannadii uu gaarayu maamulkii ka horeeyay ayaa laga yaabaa in uu kala dhimo taageerada xad dhaafka ah ee Mareykanku uu siiyo dawladaha Afrikaanta ee ku duulay Soomaaliya.


Maamulkii Obama ayaa gacan weyn ka siinayay Afrikaanta dhinacyada sirdoonka, duqeymaha xagga cirka, iyo talo bixinta Millatri, waxaana ugu danbeyn uu ku sii daray Ciidamo Mareykanka ah oo loo daabulay Soomaaliya kuwaas oo si toos ah kaga qeybgalaya duulaannada ay qaadaan Afrikaanta iyo Maleeshiyada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in Trump uu dhayalsanayo khatarta Xarakada Al-Shabaab sidaas darteedna laga yaabo inuu wax ka dhimo taageerada Mareykanka uu bixinayo, haddii ay taasi dhacdana waxaa ay warbixintu tiri " Waa khalad Istiraatiiji oo waxyeelleyn doona siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika”.

Dawladaha Afrikaanka ah ee ciidamadoodu ka dagaallamayaan Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan taageerada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Midowga Yurub, laakin si ka duwan reer Yurub, Mareykanku wuxuu toos ugu garab siinayaa Afrikaanta dhinacyada dagaallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Hoggaanka Mujaahidiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items