Col. Max'med Aadan oo Ku dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ee Duleedka Magaalada Boosaaso.

Tuesday February 07, 2017 - 18:36:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col. Max'med Aadan oo Ku dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galgala Ee Duleedka Magaalada Boosaaso.

    Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa duqeeyay saldhigyo melleteri oo kuyaal deegaanka Galgala ee dhaca duleedka Magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa duqeeyay saldhigyo melleteri oo kuyaal deegaanka Galgala ee dhaca duleedka Magaalada Boosaaso.



Wararka ka imaanaya Galgala ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay dhowr  madfac oo hoobiyaal ah ku duqeeyeen isku imaatinno ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Puntland.

Dad ku sugan Galgala ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo xilligaasi ku hoobanaysay saldhigyada ciidamada Puntland.

Qaac iyo uuro madoow ayaa cirka isku shareeray deegaanka Galgala waxaana la rumeysanyahay in khasaara lixaad leh uu ka dhashay weerarka madaafiicda ah.



Warar hordhac ah waxay sheegayaan in weerarka uu dhaawac halis ah ku noqday Col. Max’med Aadan oo ah taliyaha ciidamada Puntland ee aagga Galgala.

War kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in 20 madfac ay la heleen xarun melletri oo shirkadda Saarasan ku laheyd deegaanka Galgala waxaana gubtay qaar katirsan Keydadka hubka iyo rasaasta cadowga wadajirka ah.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka ‘Puntland’ oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay duqeyntii maanta gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Galgala.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items