Weeraro Madaafiic Ah oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada 'Puntland' Ee Deegaanada Galgala iyo Af-urur.

Sunday February 19, 2017 - 18:00:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Weeraro Madaafiic Ah oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada 'Puntland' Ee Deegaanada Galgala iyo Af-urur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weeraro xooggan ay la kulmeen saldhigyo melleteri oo ay ciidamada maamulka 'Puntland' ku leeyihiin duleedyada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in weeraro xooggan ay la kulmeen saldhigyo melleteri oo ay ciidamada maamulka 'Puntland' ku leeyihiin duleedyada Boosaaso.

Maanta gelinkii dambe ayay xoogaga Xarakada Al Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigga ‘Puntland’ ee deegaanka Galgala oo qiyaastii 35 KM ujira magaalada Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen qiic iyo uura madoow oo cirka isku shareeray daqiiqado kadib markii ay dhacday duqeynta lagu qaaday saldhigyada melleteri.

Dhinaca kale duqeyn xooggan ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada maamulka ‘Puntland’ ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur.


War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 20 madfac lala helay labada saldhig ee Ciidamada Puntland ku leeyihiin Galgala iyo Af-urur sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in ay ka dhasheen weerarada madaafiicda ah ee maanta gelinkii dambe lagu qaaday saldhigyo kuyaal duleedka Boosaaso.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka gobolka Bari ee dhanka ‘Puntland’ oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weeraradii maanta.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items