Khilaaf ba'an ayaa soo kala dhaxgalay dowladaha ku teedsan gacanka Khaliijka Carabta kadib markii la faafiyay macluumaadyo sir ah oo muujinaya sida dowladahaasi ula shaqeeyaan Mareykanka iyo Yahuudda.
Sedax dowladood oo kamid ah Ururka Khaliijka ayaa ku dhawaaqay in ay
cilaaqaadkii diblumaasiyadeed ujareen dowladda Qadar ee awoodda siyaasadeed iyo
midda dhaqaale ku leh mandiqadda reergalbeedku u bixiyeen Bariga dhexe.
Dowladaha Imaaraatka Carabta, Baxreyn iyo Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in
xiriirkii ay ujareen xukuumadda Dooxa waxayna amreen diblumaasiyiinta Qadar in
24 saac gudahood ay wadamadaasi uga dhoofaan.
Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibada Masar ayaa bayaan ay soo saartay u
sheegtay in iyadoo la duuban dowladaha Khaliijka ay xiriirkii ujartay dowladda
Qadar.
Arrintan ayaa timid isbuuc kadib markii Telefeshinka Aljazeera ee dowladda
Qadar ay maalgeliso laga mamnuucay Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga, sidoo kale
warbaahinta Qadar ayaa shalay faafisay dukumiintiyo sir ah oo laga helay Emailka
safiirka UAE ee Mareykanka waxayna dukumiintiyadaasi muujinayeen
hammiga Imaaraatka Carabta ee ah in saldhigga Mareykanka ee mandiqadda laga
raro Qadar loona raro magaalada Abu Dhabi.
Wasaaradda arrimaha Sacuudiga warka kasoo baxay ayaa ahaa mid dad badan ka yaabiyay wuxuuna uqornaa sidaan "Qadar waxay taageero siisaa kooxaha Argagaxisada sida Xuuthiyiinta, Daacish, Ikhwaanul Muslimiin iyo Daacish"!!.
Ismariwaagan u dhaxeeya dowladaha Khaliijka ee xulufada la ah Mareykanka ayaa
dhabarjab ku ah socdaalkii Trump ee Sacuudiga halkaas oo lagu dhisay isbahaysi
ballaaran oo ka dhan ah Jamaacaadka Jihaadiga ah.
Qadar ayaa ku eedaysan taageero siyaasadeed iyo mid maaliyadeed oo ay ufidiso
Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo kaligood taliyayaasha Dawaaqiidda Carbeed ay ku
tiimbareeyeen liiska Argagaxisada iyagoo ilaashanaya kuraasta ay ku dangiigaan.
Falanqeyayaasha ayaa aaminsan in khilaafkan cusub uu sii kala geynayo xulufadii Mareykanka ee Bariga dhexe islamarkaana aysan saameyn kuyeelan doonin awoodda dowlada Qadar, Xukuumadda Dooxa ayaa 20 sanadood ka hor dhidibada utaagtay warbaahin awood badan oo waxbadan ka bedeshay hab maamulka caalamka carabta.
Sanaddii 2011 markii ay bilaabanayeen kacdoonadii Guga Carabta loogu magac daray ayay dowladda Qadar si aan gabasha laheyn u taageertay isbedelladii ka dhacay Masar, Liibiya iyo Tuunis arrinkaas oo ka caraysiiyay dowladaha ku dhaqma nidaamka Boqortooyada oo mowqifka Qadar u arka mid halis ku ah xukunkooda aan laga dagin in laga dhinto mooyeen.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]
Warbixin: Dowladaha Sacuudiga,Imaaraatka iyo Baxreyn oo Xiriirkii Diblumaasiyadeed Ujaray Dowladda Qadar.
Khilaaf ba'an ayaa soo kala dhaxgalay dowladaha ku teedsan gacanka Khaliijka Carabta kadib markii la faafiyay macluumaadyo sir ah oo muujinaya sida dowladahaasi ula shaqeeyaan Mareykanka iyo Yahuudda.