Akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo gudbinaynaa sawirro muuqaal guud ka bixinaya xaaladda goobihii dagaalka ee deegaanka Bariire oo shalay ay duullaan ku qaadeen ciidamo mareykan iyo Soomaali ah.
Sawiradan aad daawanaysaan waa Burburka gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada ay wateen oo yaal goobta dagaalka iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maamulaya dhulkii lagu hardamay.
Waa Muuqaallo xaqiiq ah oo banaanka soo dhigaya jabka gaaray soo duulayaasha iyo sida muslimiintu u difaacdeen dhulka shareecada Islaamka lagu maamulo ee Sh/Hoose.
Laba Gaari ayaa ciidamada Mareykanka iyo Maleeshiyaadka Mareykanku tababaray looga gubay dagaalka, gaari Cabdi Bile ah ayaa ku basbeelay qarax lagula helay duleedka Bariire balse ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida ayay usuurtaga gashay in ay jiitaan
Gaariga laga gubay ciidamada Mareykanka ayaa yaal deegaanka Bariire waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha Midowga Afrika sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Daawo Sawirro: Gaadiid Ciidamo Mareykan Ah looga Gubay Dagaalkii Sh/Hoose iyo Warbixin Muhiim ah.
Akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo gudbinaynaa sawirro muuqaal guud ka bixinaya xaaladda goobihii dagaalka ee deegaanka Bariire oo shalay ay duullaan ku qaadeen ciidamo mareykan iyo Soomaali ah.