Madaafiic Khasaara Dhalisay oo Lagu Weeraray Madaxtooyada Villa Somalia.

Tuesday July 04, 2017 - 20:20:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaafiic Khasaara Dhalisay oo Lagu Weeraray Madaxtooyada Villa Somalia.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Maanta duhurkii ayaa jugta qaraxyo ka dhashay madaafiic hoobiyaal ah laga maqlay dhanka Madaxtooyada gaar ahaan qeybta xigta degmada Wardhiigleey.

Ugu yaraan Afar askari ayaa la xaqiijiyay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen madaafiicda oo lala helay qaar kamid ah koontaroollada laga galo madaxtooyada, war rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay askar ku dishay weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in 2 askari lagu dilay weerarka, mid kamida ciidamada ladilay ayaa ku sugnaa halka lagu magacaabo Shimbiraale.

Dhaawacyada 2 qof oo kamid ah shaqaalaha dowladda Federaalka ayaa loola cararay isbitaal ku dhaxyaal isla madaxtooyada Villa Somalia, weerarkan ayaa imaanaya xilli ciidamo loogu magac daray ‘Xasilinta caasimadda” lagu daadiyay inta badan waddooyinka degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items