David Cameron "Dowladda Islaamiga Ah Waddooyinka ayay Nagu Beegsan doontaa Haddii aan laga hortegin".

Monday August 18, 2014 - 09:14:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    David Cameron "Dowladda Islaamiga Ah Waddooyinka ayay Nagu Beegsan doontaa Haddii aan laga hortegin".

    Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in walaac ballaaran ay ka qabto horumarada ay dhanka dagaalka ka sameynayaan xoogaga islaamiga sunniga wadanka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in walaac ballaaran ay ka qabto horumarada ay dhanka dagaalka ka sameynayaan xoogaga islaamiga sunniga wadanka Ciraaq.

David Cameron R/wasaaraha Ingiriiska ayaa shaaciyay in dowladdiisu cabsi ka qabto isfidinta xowlliga ah oo ay sameynayaan ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah.

Cameron ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda Sunday Telegraph wuxuu uga faalooday halista soo wajahday reer galbeedka tan iyo markii mujaahidiinta dowladda islaamiga ah qabsadeen dhul ballaaran oo dhaca wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

"Dowladda Islaamiga ah waddooyinka ayay nagu beegsan doontaa haddii aanan ka hortagin oo aanan joojin”ayuu yiri Cameron.


R/wasaaraha Ingiriiska ayaa ku taliyay waxa loogu yeero beesha caalamka ay dowladda Iiraan kala shaqeeyaan la dagaalanka dowladda Islaamiga ah haddii kale jiilka jihaadiga ah ee Shaam iyo Ciraaq ay waxka bedeli doonaan maamulidda mandiqadda ay reer galbeedku u bixiyeen Bariga dhexe.

Related Items