Taliye Katirsan Ciidanka Booliska DF-ka iyo Laba Askari oo Muqdisho Lagu dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Tuesday August 19, 2014 - 19:55:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Katirsan Ciidanka Booliska DF-ka iyo Laba Askari oo Muqdisho Lagu dilay iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Xoogag hubeysan ayaa caawa maqribkii magaalada Muqdisho ku khaajiyay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka booliska dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqaalka Magaalada Muqdisho
Xoogag hubeysan ayaa caawa maqribkii magaalada Muqdisho ku khaajiyay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka booliska dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in isgoyska Siinaay lagu dilay Sarkaal darajadiisa ciidan tahay Korneel islamarkaana bilihii lasoo dhaafay ka dhax muuqday laamaha ammaanka ,wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka geystay ay si lama filaan ah udileen Col.Cabdullaahi Cali kadibna ay si babad gelya ah goobta uga baxsadeen.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in laba askari oo DF-ka katirsan lala dilay Col.Cabdullaahi,xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbaba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan degmada Wardhiigleey ka dhacay.

http://wata.cc/up/2014/08/images/w-f98f929626.gif
Sarkaal katirsan Al Shabaab ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidankooda mujaahidiinta ah ay dileen sarkaalka iyo laba askari,Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in Col.Cabdullaahi uu bartilmaameed u ahaa islamarkaana ay ka hor leexiyeen shacabka Muslimiinta Muqdisho oo uu dhibaata xooggan ku hayay.

Ciidamo katirsan kuwa booliska iyo Nabad sugidda ayaa soo buux dhaafiyay isgoyska Siinaay kadib markii uu dilku dhacay,magaalada Muqdiso waxaa wali kasii socda dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha Dowladda Federaalka.

Dilka Korneel Cabdullaahi Cali wuxuu kusoo aadayaa waqti wasaaradda ammaanka ay ku dhawaaqday in ay sugtay ammaanka Muqdisho islamarkaana hubka ka nadiifisay xaafado caasimadda katirsan balse waxaa muuqata in balanqaadyadaasi beenoobeen.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items