Dhageyso:Maktabka Zakawaadka XSHM Oo Boqolaal Ducaad Ah U Diraya Reer Miyiga.

Wednesday August 20, 2014 - 07:31:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Maktabka Zakawaadka XSHM Oo Boqolaal Ducaad Ah U Diraya Reer Miyiga.

    Maktabka Diiwaanka Zakawaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Baraawe kusoo gabagabeeyay dowro muddo todobo cisho ah u socotay ducaad ka tirsan Maktabka oo loogu tala galay iney diinta baraan dadka reer miyiga ah ee aan fursadda w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maktabka Diiwaanka Zakawaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Baraawe kusoo gabagabeeyay dowro muddo todobo cisho ah u socotay ducaad ka tirsan Maktabka oo loogu tala galay iney diinta baraan dadka reer miyiga ah ee aan fursadda wax barasho helin.

Ducaada mu’tamarkan loo qabtay oo ku dhawaad afar boqol ah ayaa horey uga shaqeynayay wilaayaadka islaamiga ah iyagoo koox koox u qeybsan, laakin hadda waxay u hawl galayaan si wada jir ah iyagoo diinta gaarsiinaya walaalahood reer miyiga ah ee uu cilmigu ka maqan yahay.

Munaasabadda gunaanadka shirkan oo lagu qabtay masjid weyn oo ku yaalla Baraawe ayaa waxaa ka hadlay culimo uu kamid yahay Sh/Xassan Maxamuud Takar iyo mas’uulka diiwaanka Zakawaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh/Suldaan Maxamad Aala Maxamad.



وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلًا مِمَّنْ دَعَا إِلَى اللَّهِ وَعَمِلَ صَالِحًا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ الْمُسْلِمِينَ

Sh/Suldaan ayaa ducaada kula dardaarmay iney si xikmad iyo dhimrin leh dacwada u gutaan ayna walaalohood u geeyaan hadba waxa ay awoodi karaan.

Tallaabadan ayuu Sheekhu sheegay iney ka dambeysay markii la ogaaday sida dadka reer miyigaahi uga ooman yihiin cilmiga, wuxuuna sheegay in hawlahan dacwo ay meel walba gaarsiin doonaan insha’allaah.

Sidoo kale Sheekh Xassan Maxamuud Takar ayaa ducaada kula dardaarmay iney Allaah ka baqaan islamarkaana garwaaqsadaan iney hayaan shaqo uu Allaah subxaanahu watacaalaa uga raali noqonayo haddii ay Ikhlaas la yimaadaan.

Halkan Ka Dhageyso Sh Suldan Maxamad Aala Maxamad

Halkan Ka Dhageyso Sh Xassan Maxamuud Takar

Xigasho:idaacadda Alfurqaan


Related Items