Iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho iyo Qof Lagu Dilay Degmada Hodon.

Wednesday August 20, 2014 - 07:56:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor'imaadyo Ka Dhacay Xaafado Katirsan Muqdisho iyo Qof Lagu Dilay Degmada Hodon.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay xalay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka ku sugnayihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta ay xalay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka ku sugnayihiin.

Xalay fiidkii ayaa rasaas xoogan laga maqlay degmada Dayniile gaar ahaan halka loo yaqaan ubad-kaal,dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogag hubeysan ay weerareen saldhig ciidan kadibna waxaa halkaasi ka bilaawday iska hor’imaad fool ka fool ah.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga shabeelaha Hoose ayaa weeraro ku ekeeyay dhowr saldhig oo ciidanka shisheeye ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale maleeshiyaad katirsan DF-ka ayaa qof shacab ah ku dilay xaafadda Sona Keey degmada Hodon,goob joogayaal ayaa sheegay in qofka ladilay oo ahaa dhalinyaro ay ciidanku ka qaateen taleefan nuuca gacan qaadka ah.

Related Items