Dowladda Islaamiga Ah oo Gowracday Wariye James Foley Muwaadin Mareykan Ah.

Wednesday August 20, 2014 - 08:23:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 8
  • 7 4
  • Share via Social Media

    Dowladda Islaamiga Ah oo Gowracday Wariye James Foley Muwaadin Mareykan Ah.

    Dowladda Islaamiga ah ayaa ku dhawaaqday in ay gowracday saxafi mareykan ah oo muddo sanada ah uqafaalnaa mujaahidiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Foley oo ay gowracday Dowladda Islaamiga ah waana Muwaadin Mareykan ah
Dowladda Islaamiga ah ayaa ku dhawaaqday in ay gowracday saxafi mareykan ah oo muddo sanada ah uqafaalnaa mujaahidiinta.



Mu’asasada al-furqaan oo ah garabka warbaahineed ee dowladda ayaa soo saartay muuqaal uu kasoo muuqanayay James Foley oo ahaa muwaadin mareykan ah oo sanaddii 2012 laga qafaalay wadanka suuriya.

Mujaahidiintu waxay sheegeen in gowraca muwaadinkan Mareykanka uu jawaab celin u yahay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geysanayaan waqooyiga wadanka Ciraaq.

Sirdoonka Mareykanka ayaa qiray in qofka ladilay uu yahay James Foley oo ushaqeynayay wakaaladda wararka AFP islamarkaana gacanta lagu dhigay bishii November 2012 xilligaasi oo uu kasoo waramayay gobolka Idlib.



Qof wajiga soo xirtay oo katirsan xoogaga IS ayaa kasoo muuqanaya filimka isagoo ku hadlaya luqadda English-ka wuxuuna si deggan usheegay waxyar oo kamid ah dambiyada Mareykanku ugeysanayaan muslimiinta Ciraaq.

Ugu dambeyntii dowladda islaamiga waxay ku goodisay in ay xukun ku fulin doonto maxbuus kale oo gacanta ugu jira balse ay ka war sugayaan tallaabta xigta ee Obama qaadayo.


Related Items