Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Dad Shacab ah Ku Duqeeyay Deegaanka Khadiija Xaaji Gobolka Gedo.

Wednesday August 20, 2014 - 08:55:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Dad Shacab ah Ku Duqeeyay Deegaanka Khadiija Xaaji Gobolka Gedo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka cirka Kenya ay weerar wuxuushnimo ku qaadeen deegaan ay ku nool yihiin dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka cirka Kenya ay weerar wuxuushnimo ku qaadeen deegaan ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay dhowr madfac laheleen tuulo 19 KM ujirta deegaanka Khadiijo Xaaji ee duleedka magaalada Beled Xaawo.

Jugta madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha Kenya ayaa laga maqlayay tuulada laweeraray waxaana lafilayaa in khasaare dadka deegaanka kasoo gaaro duqeymaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wax maamul islaami ah uusan ka jirin tuulada laduqeeyay islamarkaana aysan ku sugnayn ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin tani waxay xaqiijinaysaa in Kenyaatigu ay horor ku yihiin dhammaan shacabka Muslimiinta iyagoo aan kala soocayn kuwa la dagaalamaya iyo kuwa aan ladagaalamayn.

Related Items