Kacdoonno Rabshada Wata oo dib uga Qarxay Wadanka Mareykanka Kadib Markii Ladilay Qofkii 2-aad oo Madoow Ah.

Wednesday August 20, 2014 - 09:35:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoonno Rabshada Wata oo dib uga Qarxay Wadanka Mareykanka Kadib Markii Ladilay Qofkii 2-aad oo Madoow Ah.

    Wadanka Mareykanka waxaa sii xoogeystay kacdoonka shacbiga ah ee ka dhanka ah dadka caddaanka oo maalmo ka hor dilay mid kamida dadka madoowga ah ee laga tirada badanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska magaalada St. Louis ayaa lagu Eedeeyay in ay toogteen qof madoow ah
Wadanka Mareykanka waxaa sii xoogeystay kacdoonka shacbiga ah ee ka dhanka ah dadka caddaanka oo maalmo ka hor dilay mid kamida dadka madoowga ah ee laga tirada badanyahay.

Shantii maalmood ee lasoo dhaafay rabshado dhiig badan ku daatay ayaa ka socday gobolka Mezuuri oo kamid ah gobollada ay ku badanyihiin dadka asalkoodu afrikaanka yahay.

Kumanaan katirsan ciidamada booliska Mareykanka iyo ciidanka xoogga ayaa lagu xoojiyay ammaanka magaalada Fergosin oo ah meesha ugu daran ee kacdoonku ka socdo.

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo warbaahinta lahadlay ayaa ugu baaqay maamulayaasha gobolka Mezuuri in ay ku dhaqaaqaan cadaalad iyo sinaan si looga feejignaado falal aargoosi ah.


Warbaahinta ayaa soo bandhigtay dibad baxayaasha madoowga ah oo dhagxaan ladhacaya xarumaha maamulka magaalada Farguusan iyagoo dalbanayay in gacanta lagusoo dhigo kuwa toogtay wiil dhalinyaro madoow ah.

Xaaladda ayaa sii xumaatay kadib markii mid kamida ciidanka booliska Mareykanka uu qof labaad oo madoow ah ku toogtay magaalada St. Louis waxaana halkaasi ka socda isku dhacyo.

Saxafiyiinta ka howlgala gobolka Mezuuri waxay leeyihiin "Kacdoonku waa sii xoogaysan doonaa maalmaha soo socda kadib markii qof kale oo madoow ah ladilay haddii xukuumadda Obama aysan xal wax ku ool ah la imaan”.

Waa Kacdoonkii ugu horreeyay oo ay dhigaan dadka madoowga Mareykanka tan iyo markii madaxtinimada wadankaasi uu qabtay hoggaamiye madoow ah.

Related Items