Warbixin:Shaqaalaha Caafimaadka Kenya oo Shaqa Joojin Ku Dhaqaaqay iyo Dhaqaalaha oo Hoos udhacay.

Wednesday August 20, 2014 - 17:35:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Shaqaalaha Caafimaadka Kenya oo Shaqa Joojin Ku Dhaqaaqay iyo Dhaqaalaha oo Hoos udhacay.

    Dhammaan ilaha caafimaadka gobollada wadanka Kenya ayaa shaqa joojin saameyn ku reetay malaayiin qof ku dhawaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan ilaha caafimaadka gobollada wadanka Kenya ayaa shaqa joojin saameyn ku reetay malaayiin qof ku dhawaaqay.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in albaabada laysugu laabay xarumaha caafimaadka gobollada Kenya kadib markii xukuumaddu ay bixin waysay mushaaraadka shaqaalaha caafimaadka.

Soltani Matidihirō oo ah guddoomiyaha guddiga caafimaadka gobollada iyo Farmashileeyda ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu ay bixin waysay kumanaan kamid ah shaqaalaha caafimaadka aas-aasiga ah sidaasi daraadeedna ay shaqada joojiyeen.


"laga bilaabo 11:47 barqanimo ee maanta shaqada waan joojinay dhammaan goobaha caafimaadka way xiranyihiin sababtoo ah shaqaalaha fayadhowrka maqaadan wax mushaar ah,aad baan uga xumahay in shacabku waayaan caafimaadka aas-aasiga ah anigu maheysto dhaqaale aan isbitaal gaar ah bulshada ugu furo”ayuu yiri Soltani Matidihirō madaxa dhaqaatiirta iyo Farmashilayda Kenya.

Dastuurka Kenya ayaa wasaaradda maaliyadda faraya in dhaqaale dhan 226 milyan oo shilinka Kenya ah una dhigma 2.6 milyan dollar u qoondayso shaqaalaha caafimaadka Kenya sanadaha 2014-2015-ka.

Warbaahinta maxalliga Kenya waxay sheegtay in hoos u dhaca dhanka dhaqaalaha wadanka uu sabab u yahay ammaanka oo faraha ka baxay tan iyo markii Kenya ciidankeedu ku duuleen Soomaaliya taasi bedelkeedna shabaabul Mujaahidiin ay duullaan dhanka ammaanka ah ku qaaday Kenya.

Related Items