Guddoomiye Ku Xigeenka Kismaayo oo isku day dil ka Badbaaday iyo Bandaw Magaalada Lagusoo Rogay.

Wednesday August 20, 2014 - 18:03:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku Xigeenka Kismaayo oo isku day dil ka Badbaaday iyo Bandaw Magaalada Lagusoo Rogay.

    Xilli ammaanka magaalada Kismaayo uu faraha kasii baxayo ayay mas'uuliyiinta maamulka Kenya ee magaaladaasi weeraro halis ah lakulmayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Kismaayo uu faraha kasii baxayo ayay mas'uuliyiinta maamulka Kenya ee magaaladaasi weeraro halis ah lakulmayaan.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen guri uu magaalada ka deganaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Kismaayo.

Cabdi Barre oo ah Ninka laweeraray ayaa warbaahinta u sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo isaga lala damacsanaa,rag hubeysan ayaa la sheegay in ay isku dayeen xoog kugal guriga ah balse maleeshiyaad ilaala ka ahaa guriga ayaa iska caabin adag kala hortegay sida uu Cabdi Barre warbaahinta maxalliga ah u sheegay.


"Xalay saqdii dhexe ayaa weerar xooggan lagusoo qaaday guriga aan Kismaayo ka deganahay balse waan ka badbaaday xaaska aan qabo ayuu dhaawac soo gaarayā€¯ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Kismaayo.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo ciidanka Kenya ayaa maanta duhurkii bandaw kusoo rogay xaafado katirsan Kismaayo,ilo wareedyo ayaa sheegaya in bandawgan uu salka ku hayo wafdi ka socdo dowladaha khaliijka carabta oo magaalada gaaray islamarkaana kulamo laleh saraakiisha Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe.

Related Items