Saldhigga Ciidamada 'Puntland' Ee Deegaanka Galgala oo Madaafiic Lagu Duqeeyay.

Saturday August 19, 2017 - 11:34:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidamada 'Puntland' Ee Deegaanka Galgala oo Madaafiic Lagu Duqeeyay.

    Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro xooggan ka fuliyay deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro xooggan ka fuliyay deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka.

Wararka ka imaanaya Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar xooggan xalay fiidkii lagu qaaday saldhig ciidamo katirsan maamulka ‘Puntland’ ay ku qaadeen deegaanka Galgala oo qiyaastii 35 KM ujira magaalada Boosaaso.

Weerarka oo isugu jiray madaafiic iyo mid fool ka fool ah ayaa la sheegayaa in ugu yaraan 12 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas labada dhinac is weydaarsanayeen, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka ‘ Puntland’ oo ku aaddan khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Xalay Galgala ka dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items