AMISOM oo Gaari Looga Gubay Deegaanka Ceel Jaalle Ee Duleedka Marka.

Thursday August 21, 2014 - 07:21:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo Gaari Looga Gubay Deegaanka Ceel Jaalle Ee Duleedka Marka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamada shisheeye lagula eegtay duleedka magaalada Marka ee xarunta shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamada shisheeye lagula eegtay duleedka magaalada Marka ee xarunta shabeelaha Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel Jaalle ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari taangi ah oo ay wateen ciidanka Burundi.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay lakacday gaariga taangiga ah waxaana burburay gaariga iyadoona ay halaagsameen dhammaan wixii askar ahaa ee saarnaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay muddo saacada ah xireen wadada isku xirta Marka iyo Ceel Jaalle waa khasaarihii ugu xooganaa ee ciidanka shisheeye kasoo gaara dagaalka halganka ah ee shabeelaha Hoose ka socda tan iyo markii kacdoonada shacbiga ah ka bilaawdeen magaalada Marka.


Dhinaca kale qarax xooggan ayaa laga maqlay agagaarka wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho lama oga cidda lala beegsaday qaraxaasi.

Related Items