Obama "Caalamka oo idil Ayaa Ka Naxay Gowraca James Foley Anna Waan Ka Murugooday" Daawo.

Thursday August 21, 2014 - 07:32:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama "Caalamka oo idil Ayaa Ka Naxay Gowraca James Foley Anna Waan Ka Murugooday" Daawo.

    Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa si murugo leh uga hadlay dilka saxafiga James Foley oo ku baxay gacanta mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Brack Obama Hoggaamiyaha Madoow ee dalka Mareykanka.
Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa si murugo leh uga hadlay dilka saxafiga James Foley oo ku baxay gacanta mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah.

Brack Obama oo shir Jaraa’id ku qabtay aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa wax laga naxo ku tilmaamay ficilkii ay xoogaga IS kula kaceen muwaadinka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in shakhsi ahaan uu naxay markii uu daawaday muuqaalka James Foley oo inta qoorta laga jaray madaxiisa dusha loo saaray.

"Caalamka oo idil waa ka naxay ficilkii lagu gowracay James Foley waa in caalamku ka wada qeyb qaato sidii loo tirtiri lahaa kooxda ISIL oo ah kansar halis ku ah muslimiinta iyo gaalada”ayuu yiri Obama.


Madaxweynaha Mareykanka ayaa si siyaasadaysan u sheegay in dowladdiisu qaadayso wax walba oo dadka mareykanka ah lagu badbaadinayo.

Mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah ayaa maalin ka hor soo saaray Cajal maqal iyo muuqaal ah oo ay ku gowraceen askari Mareykan ah islamarkaana ahaa saxafi waxayna dowladdu sheegtay in tani ay jawaab celin u tahay duullaanka Mareykanka ee Ciraaq.


Hoos ka Daawo shirka Jaraa'id ee Obama



Related Items