Dagaal Culus Oo Ka Socda Buula Guduud iyo Camaliyad istish-haadi Ah oo lala helay saldhig Ciidan.

Sunday September 03, 2017 - 06:39:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus Oo Ka Socda Buula Guduud iyo Camaliyad istish-haadi Ah oo lala helay saldhig Ciidan.

    War goodhow nagasoo gaaray gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday deegaan kaabiga ku haaya magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goodhow nagasoo gaaray gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday deegaan kaabiga ku haaya magaalada Kismaayo.



Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka aroortii Hore weerar safballaaran ah ku qaaday saldhig maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ku lahaayeen deegaanka Buula Guduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyiga uga beegan Kismaayo.

Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan istish-haadi ah ayaa la xaqiijiyay in uu gudaha ugalay saldhig ciidan oo Buulo Guduud kuyaal kadibna waxaa xigay weerar xoog ku gal ah.



Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa xaqiijiyay in dagaallo culus ay ka socdaan Buula Guduud oo bilihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo Melleteri ka wadeen ciidamo Mareykan, Kenyaan iyo Soomaali ah.

Wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'allaah

Related Items