Xiisada Colaadeed oo Baydhabo ka taagan iyo Maleeshiyaad isku hor fadhiya ADC-da.

Thursday August 21, 2014 - 17:48:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Colaadeed oo Baydhabo ka taagan iyo Maleeshiyaad isku hor fadhiya ADC-da.

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka oogantahay magaalada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xiisada colaadeed ay ka oogantahay magaalada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Boqolaal maleeshiyaad ah oo kala taabacsan maamul ku sheegyada magaalada kajira ayaa isku horfadhiya xarunta ADC Baydhabo.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rasaas goos goos ah laga maqlayo hareeraha xarunta oo ay ku suganyihiin saraakiil sheegtay in ay wasiirro ka yihiin maamul ku sheegga lixda gobol ee Madoobe Nuunow madaxda ka yahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyaad kale oo katirsan maamulka sedaxda gobol ee Shariif Sakiin madaxda ka yahay ay ku gedaamanyihiin ADC-da.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay isku fasaxeen maleeshiyaadka dabadhilifyada ah waxaana laga cabsi qabaa in saacad walba magaalada lagu dagaallamo.

Related Items