Saraakiil Caddaan Ah oo isku Day dil ka Badbaaday Weerar Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

Thursday August 21, 2014 - 17:51:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Caddaan Ah oo isku Day dil ka Badbaaday Weerar Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

    Xilli ammaanka magaalada Kismaayo faraha kasii baxayay maalmihii lasoo dhaafay ayay sii xoogeysanayaan weerarada ka dhanka ah shisheeyaha iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Kismaayo faraha kasii baxayay maalmihii lasoo dhaafay ayay sii xoogeysanayaan weerarada ka dhanka ah shisheeyaha iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Wararka Kismaayo ka imaanaya ayaa sheegaya in maanta barqadii weerar lagu qaaday xarunta hay’adda ICRC xilli halkaasi ay shirar ka socdeen.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in bam gacmeed lagu tuuray hoolka shirarka hay’adda waxaana xilligaasi goobta ku sugnaa saraakiil caddaan ah.

Sarkaal katirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qarax weyn uu ka dhacay gudaha xarunta balse wuxuu ka gaabsaday in uu faah faahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Habeen hore ayay aheyd markii weerar isku day dil ah uu ka badbaaday Cabdi Barre oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka magaalada Kismaayo

Related Items