Cabdi Cadde "AMISOM Dalka Way Ka Baxaysaa Waqti Aan Dheerayn Shabaabkuna sida ISIS oo Kale ayay Soomaaliya uqabsan doonaan".

Friday August 22, 2014 - 17:33:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Cabdi Cadde "AMISOM Dalka Way Ka Baxaysaa Waqti Aan Dheerayn Shabaabkuna sida ISIS oo Kale ayay Soomaaliya uqabsan doonaan".

    Habarta taliyaha KMG ah ugu magacaaban ciidamada soo duulayaasha Afrikaanta AMISOM ayaa ku dhawaaqday in shisheeyuhu isaga bixi doonaan Soomaaliya waqti aan dheerayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taangiyada ciidamada AMISOM
Habarta taliyaha KMG ah ugu magacaaban ciidamada soo duulayaasha Afrikaanta AMISOM ayaa ku dhawaaqday in shisheeyuhu isaga bixi doonaan Soomaaliya waqti aan dheerayn.

Taliska AMISOM waxay xaqiijiyeen in qandaraaskii ay ka heysteen wadamada reer galbeedka uu dhamaad ku dhawyahay islamarkaana wixii ka dambeeya sanaddii 2016-da ay isaga huleeli doonaan soomaaliya.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno soomaaliyeed ayaa sheegay in warka kasoo baxay taliska ciidanka shisheeye uu yahay mid horay loosii ogaa madaama dowladaha reer galbeedka ee dhaqaalaha siin jiray Afrikaanta AMISOM ay sanadkan gudihiisa isaga bixi doonaan Afghanistan iyagoo jabay.


Siyaasiga Cabdi Cadde ayaa warka kasoo yeeray AMISOM u arka mid lalasoo daahay wuxuuna saadaaliyay in inta aan lagaarin sanadda 2016-ka ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin dib uqabsan doonaan magaalooyin badan oo hadda AMISOM heysato.

"Calooshood u shaqeystayaasha AMISOM ee Soomaaliya ka dagaalamaya waxaa laga biilaa Mareykanka iyo Yurub iyana fuuq bax dhanka dhaqaalaha ah ayaa ku habsaday iyo jab dhanka melleteriga ah,qiimeynta macquulka ah waxay muujinasaa in aakhirka sanadda 2015-ka ay AMISOM isaga bixi doonto wadanka iyadoo jabtay oo madaxa hoos u raaricinaysa”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Al Shabaab sida ISIS uqabsatay Ciraaq ayay dib ula wareegi doontaa magaalooyinka Soomaaliya!.

Xeeldheerayaasha ayaa aaminsan in sida xoogaga mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ula wareegeen dhul baaxad leh oo Ciraaq katirsan bilihii June iyo July 2014-ka si lamid ah ay shabaabul Mujaahidiin lawareegi doonto magaalooyinka muhiim ah oo dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

"Xoogaga islaamiga ah meel walba oo ay joogaan waa isku hadaf isku qorshe waxaan filaynaa in Al Shabaab ay Soomaaliya lawareegi doonaan inta aan lagaarin sanadda 2016-ka,intii ilaahey gaarsiiyo waqtigaas warbaahinta ayay ka maqli doonaan iyadoo laleeyahay shabaab ayaa magaala hebel oo soomaaliya ah qabsaday sida ISIS-ta Ciraaq oo kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Cadde.

Ciidanka Dowladda Federaalka ma awoodaan in ay ammaanka hantaan:Marka ciidanka shisheeyaha ay Soomaaliya ka baxaan wuxuu mugdi kujiraa mustaqbalka xukuumadda camiilka ee taangiyada shisheeyuhu ku ilaaliyaan Muqdisho.

Waxaa lasaadaalinayaa in ciidamada Dowladda Federaalka aysan awoodin in ay ubabac dhigaan awoodda islaamiga ah ee xiligaasi dhul baaxad leh furan doonto.

Ciidamada DF-ka sida dameer faraw libaax arkay oo kale ayay uga yaaci doonaan magaalooyinka iyo deegaanada ay AMISOM ku wareejiso.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaad 10 sanadood Soomaaliya kula dagaalamaysa ciidamo saliibiyiin ah oo ka socda inkabadan 6 dowladood Afrikaan calooshood u shaqeystayaal ah kuwaasi oo taageeri caalami ah ka helaya reer galbeedka iyo xulufadooda carbeed.

Related Items