Mas'uul Katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay.

Thursday August 21, 2014 - 19:41:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay iyo Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax lagu dilay taliye sare oo katirsan ciidanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sheegaya in qarax lagu dilay taliye sare oo katirsan ciidanka dowladda Federaalka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ladilay Axmed Dhegajuun taliyihii Nabad sugidda degmada Huriwaa iyo laba askari oo ilaala u aheyd kadib markii qarax uu qabsaday gaari uu watay.

Taliyaha ladilay ayaa caan ka ahaa xaafadaha degmada Huriwaa isagoo shirkadaha ganacsig degmada ka howlgala ku amri jiray in ay bixiyaan lacago baad ah.

Axmed Dhegajuun ayaa taariikh madoow ka tegay waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa dilal ka dhan ah dhalinyarada deegaanka oo lala xariiriya in ay katirsanyihiin shabaabul Mujaahidiin.


Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay dilka taliyihii PS-ta degmada Huriwaa sarkaal katirsan Al Shabaab oo lahadlay idaacadda Andalus ayaa sheegay in ciidankooda gaarka ah ay qarax ku dileen taliyaha iyo ciidankii ilaalada u ahaa.

Waa sarkaalkii 2-aad oo maalmo gudahood Muqdisho lagu dilo laba maalin ka hor ayaa isgoyska Siinaay lagu dilay sarkaal booliska katirsan oo darajadiisa ciidan aheyd Korneel.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items