Dhageys:Xarakada Al Shabaab oo Ku Hanjabtay Xoojinta Weerarada Muqdisho Warna Kasoo Saartay Mushaar La'aanta AMISOM.

Thursday August 21, 2014 - 20:28:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageys:Xarakada Al Shabaab oo Ku Hanjabtay Xoojinta Weerarada Muqdisho Warna Kasoo Saartay Mushaar La'aanta AMISOM.

    Sheekh Cali Maxamed Xuseen Sheekh Cali Jabal mas'uulka xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamadoodu ay xoojiyeen howlgallada ay ku beegsanayaan cadawga ee Muqdisho ka socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cali Jabal Waali Banaadir
Sheekh Cali Maxamed Xuseen Sheekh Cali Jabal mas'uulka xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamadoodu ay xoojiyeen howlgallada ay ku beegsanayaan cadawga ee Muqdisho ka socda.

Isagoo wareysi siinayay idaacadda Islaamiga Andalus ee afka xarakada ku hadasha ayuu sheegay in sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay gobolka Banaadir ku dileen saraakiil sarsare iyo askar taasina ay tusaale utahay in DF-ka ay ku fashilantay sugidda ammaanka.

Shabaabul Mujaahidiin waxay ku goodisay in ay sii wadi doonto beegsiga madaxyada DF-ka,sidoo kale sheekh Cali Jabal ayaa ka hadlay qeylla dhaantii dhawaan kasoo yeertay taliska ciidanka Uganda ee ahaa in aysan wax mushaaraad ah qaadan.


Wuxuu sheegay in calooshood u shaqeystayaasha afrikaanta ah ay soomaaliya u joogaan sidii calooshooda ubuuxsan lahaayeen una fulin lahaayeen ajandayaasha reer galbeedka balse hadda ay wajahayaan waji gabax.


Halkan ka degso Wareysiga Sh.Cali Jabal MP3

Related Items