Xoogaga Xamaas oo 18 Qof Jawaasiis Ah Ku Dilay Magaalada Qaza.

Friday August 22, 2014 - 19:22:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Xamaas oo 18 Qof Jawaasiis Ah Ku Dilay Magaalada Qaza.

    Maxkamad kutaal magaalada Qaza oo taabacsan xarakada wax iska caabinta islaamiga Xamaas ayaa xukunno daldalaad ah ku fulisay kooxo jawaasiis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad kutaal magaalada Qaza oo taabacsan xarakada wax iska caabinta islaamiga Xamaas ayaa xukunno daldalaad ah ku fulisay kooxo jawaasiis ah.

Wararka ka imaanaya Filasdiin ayaa sheegaya in maanta saaladdii Jumcaha kadib fagaara kuyaal magaalada Qaza lagu dilay 18 Jawaasiis ah oo lagu helay iyagoo u basaasaya Yahuudda sahyuuniyadda.

Afhayeen u hadlay katiibada Cizudiin Qasaam ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta ay ku dhigeen kooxaha Jawaasiista ah oo diyaaradaha Yahuudda ku hagayay duqeymaha ay ka gaystaan xaafadaha Qaza islamarkaana mas'uul ka ahaa dilka hoggaamiyaal mujaahidiinta katirsan.


"Kooxo cumalo Jawaasiis khuwana ah ayaa lagu dilay magaalada Qaza,rasaas ayaa madaxa looga rusheeyay 18 kamid ah jawaasiista muqaawamadu uma naxariisan doonto cadawga gudaha”ayaa lagu yiri war lagu baahiyay wakaaladda wararka Alra’yi ee Xamaas taabacsan.

Xoogaga Filasdiiniyiinta ayaa dagaal aan isku dhigmin kula jira Yahuudda waxaana muuqata in kooxaha Jawaasiista khuwanada ah tallaab adag laga qaadayo.

Related Items