Ku Dhawaad 100 Qof Muslimiin Sunni ah oo lagu Dilay Masjid Kuyaal Wadanka Ciraaq.

Saturday August 23, 2014 - 06:51:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 100 Qof Muslimiin Sunni ah oo lagu Dilay Masjid Kuyaal Wadanka Ciraaq.

    Maleeshiyaadka shiicada Ciraaq ayaa gummaad bahalnimo ah ka gaystay masjid ay ku cibaadaysanayeen dadka muslimiina sunniga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka shiicada Ciraaq ayaa gummaad bahalnimo ah ka gaystay masjid ay ku cibaadaysanayeen dadka muslimiina sunniga wadankaasi.

Wararka Ciraaq ka imaanaya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay deegaanka Bani Weys ee duleedka degmada Bacquubah gobolka Dayaal ayay maleeshiyaadka shiicada shalay xoog ku galeen waxayna halkaasi ka geysteen gumaad aan kala sooc lahayn.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyada xukuumadda Baqdaad ay toogasho kula dhaqaaqeen dad muslimiin ah sunni ah oo masjidka Muscab Bin Cumeyr ku dukanayay salaadda Jumcaha.

Ugu yaraan 70 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gudaha masjidka tobaneeyo kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray,ragga firfircoon ee soo tebiya kacdoonka Ciraaq ayaa sheegay in muslimiinta laxasuuqay madaxyada laga wada toogtay.


Falkan foosha xun waxaa gaystay maleeshiyaada xukuumadda taabacsan ee isku magacaawday Casaa’ib Ahlul Xaq balse ah ahlu baadil.

Mujaahidiinta dowladda islaamiga ah oo difaacda muslimiinta sunniga Ciraaq ayaa lafilayaa in jawaab celinno ay ka bixiso gabood falkan ka dhacay gobolka Diyaala.

Related Items