Qeybdiid iyo Gaas oo Eedaymo Kulul Hawada isku Mariyay Kadib Khilaaf Xooggan.

Saturday August 23, 2014 - 07:04:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybdiid iyo Gaas oo Eedaymo Kulul Hawada isku Mariyay Kadib Khilaaf Xooggan.

    Hoggaamiyaasha dabadhilifyada ee taabacsan gumeysiga Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay eedayma kulul isku mariyay hawada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaasha dabadhilifyada ee taabacsan gumeysiga Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay eedayma kulul isku mariyay hawada.

Cabdi Qeybdiid oo hoggaamiye ka ah maamulka Galmudug isku magacaabay ayaa Cabdi Wali Gaas ku eedeeyay in uu jallaafayn u maleegayo dadka ku dhaqan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

"Cabdi Wali Gaas wanaag lama doonayo shacabka ku dhaqan gobollada dhexe wuxuu doonayaa in uu dib usoo celiyo dagaalkii beelaha,walaalaha Puntland waxaan leenahay gacmaha qabta Ninkaasi cadaawaddii laga gudbay dib usoo celinaya”ayuu yiri Qeybdiid.


Cabdi Wali Gaas hoggaamiyaha Puntland ayaa isna jawaab kulul siiyay Qeybdiid oo uu ku eedeeyay in uu burburin ladamacsanyahay maamulkiisa.

"Cabdi Qeybdiid isagaa horay u yiri fad ama ha fadin waa lagu fadsiin oo ku hanjabay in uu burburiyo maamulka Puntland markale cod dheer ayaan ku sheegaynaa Puntland ma aqoonsana maamulka Muqdisho lagusoo dhisay waana sharci darro”ayuu yiri Gaas.

Maamullada dabadhilifyada ah ee shisheeyuhu udhisay sidii loogu dumin lahaa wilaayaatka islaamiga ah ayaa umuuqda kuwa qoorta iskula jira waxaana lafilayaa in shisheeyaha soo dhisay ay ugu dambeyntii kala saaraan iyadoo adeegsanaya falsafadda gumeysi ee "Qeybi oo xukun”.

Related Items