Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Waajid.

Saturday August 23, 2014 - 08:09:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Waajid.

    Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ka bilaawdeen degmada Waajid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ka bilaawdeen degmada Waajid.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Daryanka rasaasta iyo madaafiic xooggan oo ay is dhaafsanayeen cadawga iyo mujaahidiinta ayaa laga maqlayay gudaha degmada iyo hareeraheeda.

Madaafiicda hoobiyaha ayaa lagu garaacay garoonka diyaaradaha macmalka degmadaasi kadibna waxaa bilaawday dagaallo fool ka fool ah.

Gobollada Bay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan dagaallada jihaadka ah ee shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah isaga caabinayaan gumeystayaasha Jinsiyadaha kala duwan leh ee wadanka kusoo dulay.

Related Items