Roobab Dad Ku Dhinteen Oo Ku Dhuftay Gobollo Katirsan Wadanka Uganda.

Saturday September 30, 2017 - 11:35:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dad Ku Dhinteen Oo Ku Dhuftay Gobollo Katirsan Wadanka Uganda.

    Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay Roobab Mahiigaan ah oo daad wata kuwaas oo ku dhuftay qeybo badan oo katirsan wadanka Uganda sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay Roobab Mahiigaan ah oo daad wata kuwaas oo ku dhuftay qeybo badan oo katirsan wadanka Uganda sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.



Dowladda Uganda waxay sheegtay in roobab saacado badan qaatay ay ka da'ayaan wadanka waxayna ka digtay in roobabku khasaara lixaad leh geystaan.


Roobabka ugu xoogan ee islamarkaana geystay khasaara nafeed iyo midka hantiyadeed ee ugu xooggan waxay ka da'een deegaanno dhaca dhanka Koonfur Galbeed ee dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan dowladda  Uganda iyo hey'adda   Bisha Cas ayaa  xaqiijiyay in roobabkaasi ay ku naf waayeen inka badan Shan iyo Toban ruux isbitaalladana la dhigay tiro kale oo dad ah.



Sidoo kale roobabkan waxey burburiyeen guryo iyo dhismooyin kale oo ku yaalla deegaanadaasi, waxaa suurtgal noqon waayay in dhismooyinka burburay hoostooda laga helo meydad hor leh.

Roobabka daadadka ka wata ee ka da'ay dalka Uganda islamaarkana sababay khasaaraha Nafeed iyo midka hantiyadeed, saraakiisha Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Nidaamka Yuweri Museveni in uu gabay bixinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah marka ay dhacaan musiibooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items