Magaalo Ama Tuulo Ay Itoobiya iyo AMISOM Qabsadaan Al Shabaab Halgankooda Masaamaynayso!.

Monday October 06, 2014 - 08:08:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 41
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Magaalo Ama Tuulo Ay Itoobiya iyo AMISOM Qabsadaan Al Shabaab Halgankooda Masaamaynayso!.

    Xilli kumanaan ciidamo afrikaan ah oo ka socda inkabadan 6 dowladood taageerana ka helaya waxa loogu yeero beesha caalamka ay soomaaliya kusoo duuleen ayay sii xoogaysanaysaa awoodda iska caabinaysa cadawga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan Katirsan Ciidamo Afrikaan Ah ayaa Soomaaliya kusoo duulay
Xilli kumanaan ciidamo afrikaan ah oo ka socda inkabadan 6 dowladood taageerana ka helaya waxa loogu yeero beesha caalamka ay soomaaliya kusoo duuleen ayay sii xoogaysanaysaa awoodda iska caabinaysa cadawga.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa muddo todobo sanadood ah soomaaliya kula halgamaysa quwada shisheeye,Al Shabaab waxay ku guuleysatay in cadawga hororka ah ay ka caabiso cadawga iyadoona dagaalka gelisay qabaa’illada Soomaaliyeed ee Axraarta ah.

Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa AMISOM isku magacaabay ayaa qabsaday magaalooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya walina waxay u tafa xaydanayaan qabsashada degmooyin kale.


Dhammaan magaalooyinkii cadawga soo jireenka ah qabsaday wax nabad gelyo ah kama jirto magaalooyinka qaarna cadawga ayaaba lagu go’doomiyay iyadoona mujaahidiintu degeen waddooyinka soo gala.

Haddaba waxaa isweydiin mudan magaalooyin cadawgu qabsado ma wiiqi kartaa shabaabul Mujaahidiin?.

Khubarada melleteri iyo kuwa ka faalooda istiraatiijiyadda jamaacaadka jihaadiga ah ayaa aaminsan in dagaalka guurguura ee ku dhufo ka dhaqaaq uu yahay midka kaliya ee dhabarka looga jebin karo quwadda nidaamiga ah.

Shabaabul Mujaahidiin ayaa bishii Augst 2011 soomaaliya ka bilaawday dagaalka "Xarbul Cisaabaadka " loo yaqaan kaasi oo lagu naafeeyay shisheeyaha soo duulay.

Siyaasiga Xasan Nuur oo in mudda ah usoo joogay isbed-bedellada siyaasadda soomaaliya iyo marxaladihii dalku soo maray ayaa aaminsan in Al Shabaab aan looga adkaan doonin magaalo laqabsado iyo deegaan laga riixo.

"Al Shabaab Soomaaliya way ku xididaysatay Fikirkeeda jihaadiga ah ee shisheeye iska dhicinta ah wuxuu ka gadmay intabadan bulshada soomaalida ee ku dhaqan gobollada Koonfureed,taariikhda ayaa wax walba xusi doonta shisheeyaha soo duulay gaar ahaan Itoobiya magaalooyin ay qabsadaan guul kuma gaarayaan”ayuu yiri Xasan Nuur.

Siyaasigan ayaa soo hadal qaaday wada shaqeynta ka dhaxaysa shabaabul Mujaahidiin iyo bulshada ay muddo ku dhaw 7 sanadood sharciga islaamka ku maamulaysay.

Isagoo tusaale usoo qaatay sida maamullada islaamiga ah ay ugu guuleysteen daminta dab colaadeedkii ka dhaxeeyay beelaha islamarkaana nabad gelyo waarta ugusoo dabaaleen min dhoobleey illaa iyo Xarardheere.

"Al Shabaab waa cunsur muhiim ah oo bulshada soomaaliyeed qalbiga ka degay adeegyada ay qabteen walina haayaan ee ammaanku ugu horreeyo ayaa qabaa’illada soomaalida ku riixaysa in ay garab iyo gaashaan unoqdaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Nuur.

Hoggaanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr mar sheegay in ay ka go’antahay in cadawga soo duulay ay waqtiga ku dheereeyaan si ugu dambeyntiina iyagoo jabay oo dallaan dalka uga baxaan.

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab Afhayeenka dhanka Melleteriga Shabaabul Mujaahidiin ayaa mar uu ka hadlayay qorshaha dagaalka ay cadawga kula jiraan yiri "Annaga degdeg dhanka dagaalka ah nama hayso dagaalkan Nabi ciise ayaan ku simaynaa illaa qiyaamahana waa sii socanayaa balse cidda waqtigu ceyrsanaya ee qandaraaska soo qaadatay waa gaalada dalka kusoo duushay.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]



Related Items