Roobab Mahiigaan Ah Oo ka da'ay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

Monday October 07, 2019 - 09:06:44 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Mahiigaan Ah Oo ka da'ay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

    Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka bilaawday Roob xooggan oo muddo socday kuwaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saqdii dhexe ee xalay waxaa magaalada Muqdisho ka bilaawday Roob xooggan oo muddo socday kuwaasi oo dadka iyo duunyad ay si weyn ugu diirsadeen.


Gugaca Roobka ayaa si weyn looga wada maqlayay Xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaanno badan oo dhaca duleedka magaalada caasimadda ee Muqdisho waana Roob siweyn loo wada sugayay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay Kuleyl daran balse saaka Jawiga magaalada waa mid qaboow ah waxaana wadooyinka qaar fadhiya Biyaha Roobkii xalay ka da'ay magaalada.

Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ah kuwa xiran kadib markii ay biyaha xareedda fadhiisteen, waxaa hakad ku jira isku socodka gaadiidka dadweynaha ee qaar kamid ah xaafadaha degmooyinka Muqdisho.



Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan duleedka magaalada caasimadda ah ayaa sheegay in biyaha roobka ay burburiyeen guryahoodi cooshadaha ka samaysnaay, dhinaca kale roobabka xilliga Dayrta ayaa si rasmi ah uga curtay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.
Gobollada Hiiraan,labada Shabelle iyo Bay iyo Bakool ayaa roobab mahiigaan ah lagasoo sheegayaan.

dhanka gobolka Galguduud Roobabka Dayrta ayaa biya dhigay degmooyin ay kamid yihiin Cadaado iyo Godinlabe oo dhammaantood dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.



Related Items