Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Siyaasadda DF-ka iyo Waddooyinka Caasimadda Oo Xiran.

Wednesday April 04, 2018 - 09:37:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Siyaasadda DF-ka iyo Waddooyinka Caasimadda Oo Xiran.

    Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran maalintii labaad oo xiriir ah arrinkaas oo saameyn ku yeeshay kumanaan qof oo ka xoogsada suuqyada kala duwan ee magaalada caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran maalintii labaad oo xiriir ah arrinkaas oo saameyn ku yeeshay kumanaan qof oo ka xoogsada suuqyada kala duwan ee magaalada caasimadda ah.


Ciidamo farabadan oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka muhiimka ah sida Makka Al-mukarama iyo wadada wadnaha waxayna gaadiidka dadweynaha udiidayaan in ay isticmaalaan waddooyinka.

Xirnaashiyaha waddooyinka ayaa loo sababeynayaa kulan lagu sheegay Xasaasi oo xildhibaannada Baarlamaanka garabka taageersan Kheyre ay ku yeelan doonaan meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Ciidamada Koofiya casta ee sida gaarka ah u taabacsan Farmaajo iyo ciidamo kale oo daacad u ah Xasan Cali Kheyre ayaa ilaalo ka haya albaabka laga galo xarunta Baarlamaanka waxaana laga cabsi qabaa in ay ku lug lahaadaan fowdo ka dhacda xarunta.


Maleeshiyaad farabadan oo ilaalo u ah xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka Jawaari ayaa iyana lagu arkayaa wadada Makka Al Mukarrama, xiisado dhanka siyaasadda ah ayaa laga dareemayaa xarumaha dowladda Federaalka kadib markii ay fashilmeen dhammaan isku dayadii ladoonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Kheyre iyo Farmaajo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items